Milkiilaha Facebook oo Maalin Kaliya Khasaaray 15.8 billion oo Doolar

0
702

Milkiilaha Facebook oo Maalin Kaliya Khasaaray 15.8 billion oo Doolar

Mark Zuckerberg, maamulaha iyo milkiilaha shirkadda Facebook ayaa khasaaray lacag ku dhow 16 billion oo dolar, Khamiistii, kadib markii saamiga shirkadda uu soo gaaray khasaarihii ugu darnaa abid ee maalin kaliya ay shirkadi ka waajahdo suuqa saamiyada Mareykanka.

Khasaarahan shirkadda soo gaaray ayaa loo aaneynayaa, hadal uu jeediyay mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda oo odorosay in faa’iidada shirkadda laga helaa uu hoos u dhic ku imaaan karo.

Maamulaha maaliyadda shirkadda “CFO” oo la yiraahdo David Weiner oo khadka taleefoonka kula xiriiray dilaalleyda suuqa saamiga ayaa u sheegay in shirkadda ay sanooyin badan waajahaysay cadaadis badan faa’iidada ah.

Saamiga ayaa hoos u dhacay 19.6% ilaa uu ka gaaro 174.78 dolar, waa khasaaro haddii uu sii  socdo qiimaha shirkaddu ay hoos u dhici karo 124 billion oo dolar, waa in u dhiganta 4 laab qiimaha suuq ee shirkadda twitter-ka.

Khasaarahan 15.8 billion oo dollar ee soo gaaray Zuckerberg ayaa u dhigma hantida uu hayso shakhsiga 81 ee liiska taajiriinta adduunka, waa booska uu daggan yahay maalqabeenka reer Japan ee Takemitsu Takizaki, sida ku xusan liiska kala sarreynta maalqabeennada adduunka ee Forbes.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here