Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku wajahan Asmara iyo diyaar garow lagu soo dhoweynayo oo ka socota

0
614

Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku wajahan Asmara iyo diyaar garow lagu soo dhoweynayo oo ka socota

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ku wajahan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uga bilaaban doonta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta saddex cisho.

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Asmara, iyadoo calanka labada dal Eritrea iyo Soomaaliya oo la is garab suray ay ka babanayaan waddooyinka Asmara.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo la soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo ayaa ku casuumay dalkiisa, iyadoo booqashada qeyb ka tahay is bedelada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ka bilowday.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagay Eritrea, tan iyo markii uu dalkaas xornimada qaatay sanadkii 1993-dii.

Xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaa tobankii sano ee u dambeeyay, iyadoo Eritrea lagu eedeynayay inay taageerto kooxaha ka soo horjeeda dowladda, gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab.

Eritrea waxaa ay aheyd halkii lagu aas aasay sanadkii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dagaalka kula jiray Ciidamadii Itoobiya, iyadoo mar dambe wada hadalo is baheysigaas la galay dowladdii KMG ay ka dhalatay in Madaxweyne loo doorto Guddoomiyihii isbaheysigaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here