Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Asmara+SAWIRO

0
879

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Asmara+SAWIRO

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo ay goor dhow ka dageen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana loo garaacay astaanta Calanka labada dal.

Intaas kaddib ayaa waxaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo loo galbiyay Madaxtooyada Asmara, halkaasoo wada hadalo labo geesood ku yeelanayaan labada Madaxweyne.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doonta saddex cisho, waa Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaaliyeed booqasho ku taga dalka Eritrea, tan iyo markii Eritrea noqotay dal madax banaan sanadkii 1993.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here