Kulaylka ba’an ee dunida oo la leeyahay ‘dadka ayaa sabab u ah’

0
708

Saynisyahanada ayaa sheegaya in isbedelkacimilada oo ka dhalata dhaqadhaqaaqa bini’aadanka uu sababay in yurub uu laba jibaarmo kuleylka.Cilmi baareyaasha ayaa is barbardhigay heerkulka hadda jira iyo kii hore ee laga diiwaan galiyay qeybo ka tirsan Yurub.Warbixinadii hore ee cimilada ayaa muujinayay in calaamadaha isbedelka cimilada ay yihiin kuwo aan caddayn, kulayka xagaagan.Baaxadda iyo saameynta uu leeyahay kulaykan haatan laga dareemay dhamaan dalalka Yurub ayaa keenay in su’aalo badan la iska weydiiyo waxa keenay isbedelka cimilada ee dunida.*.’Cimilada kulul oo hoos u dhigta natiijada waxbarashada’*.81-jir haysata PhD oo qashinka gurtaCilmi baarayaasha ayaa booqday toddobo xarun oo ah kuwa laga ogaado saadaasha hawada oo kukala yaalla Finland, Denmark, Ireland, the Netherlands, Norway iyo Sweden si ay u ogaadaan 3-da maalmood ee ugu kulul sannadka.Sababta ay goobahaan u doorteen ayaa ah dhamaan waddamadaas cimiladooda oo isu dhawayd biloowgii sagaashameeyadii, markalaga reebo UK. Kooxda ayaa sidoo kale isticmaashay kombiyuutaro si ay u ogaadaan saameynta bini’aadanka uu ku leeyahay isbedelka cimilada.Saynisyahanada ayaa sheegay in kulayka noocaan oo kale ah ay u badan tahay in toban sano gudahood uu ka dhaco koonfurta Scandinavia iyo Ireland, iyo 5 sano gudahood Netherlands.Mid ka mid ah su’aalo aqoonyahanadu aanay awoodin inay ka jawaabaan waxay ahayd isbeddelka cimiladu saameyn ma ku yeelanaysaa hannaanka cadaadiska sare ee joogtada ah ee Yurub?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here