DEG DEG : Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri booqasho ku tagaya dalka Eritrea

0
693

DEG DEG : Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri booqasho ku tagaya dalka Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri la filayaa in booqasho lama filaan ah ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu casumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho qaadna doonta saddex cisho maalinta berri oo ku beegan 28 bisha July uga bilaaban doonta Eritrea.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada oo ay heshay Jowhar.com ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Eritrea uu taleefan kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo, kuna casuumay inuu booqasho ku yimaado Eritrea.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii u horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Erirea oo xilli lagu eedeyn jiray inay taageerto Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya, isla markaana sanadkii 2007-dii lagu aas aasay Asmara Isbaheysigii la magac baxay Dib u xoreynta ee dagaalka kula jiray Ciidamadii Itoobiya ee soo galay Koofurta Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2006-dii.

Xiriirka cusub ee u bilowday dalalka Eritrea iyo Itoobiya oo mar ahaa labo dal oo colaad ka dhaxeysa ayaa waxay u gogol xaareysaa xasilooni iyo nabadgelyo ka dhacda dalalka Gobolka oo xiisado siyaasadeed iyo colaado ay ka jiraan.

Istiraatiijiyada siyaasadeed ee Gobolka iyo loolanka loogu jiro dalalka kulaala Badda Cas ayaa hubanti ka dhigaya in Soomaaliya qeyb ka noqoto, gaar ahaan loolanka ka dhaxeeya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Turkiga iyo Qatar ayaa u muuqanaya mid Soomaaliya saameyn weyn ku yeelaneyso.

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here