Cida Ku Guuleysatey Doorashadii Dalka Pakistan Oo Lagu Dhawaaqey Iyo Codadka U Helay + [ Akhriso ]

0
783

Pakistan (DN):-Guddiga Doorashada Pakistan ayaa sheegay incayaaryahankii hore ee isku beddelay siyaasiga, Imran Khan, uu ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee dalkaas ka dhacday, hase yeeshee xisbigiisa uusan helin codad ku filan si uu dowlad usoo dhiso Ku dhawaaqistan ayaa timid saacado kadib markii Khan uu sheegtay in xisbigiisa PT uu kuguuleystay doorashada.Khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu guushiisa ugu dabaal-dagayey ayuu Khan ku ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono musuq-maasuqa, isaga oo is-beddel ku sameynaya habka maamul ee dalkaas.Dhammaan xisbiyada la loolamayey xisbiga Khan ee PT ayaa tuhunsan in codbixinta la musuq maasuqay, ayada oo loogu eexanayo Khan, eedeyntaas oo guddiga doorashada Pakistan uu beeniyey.Guddoomiyaha guddiga Sardar Mohammad Raza ayaa aad u difaacay hannaanka doorashada oo uu sheegay in 100% uu ahaa mid sax ah oo aan wax qalad ah ka dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here