Wax Ka Baro.. “Sundar Pichai” Ninka Reer India ee Maamula Shirkadda Google

0
840

Wax Ka Baro.. “Sundar Pichai” Ninka Reer India ee Maamula Shirkadda Google

Sundar Pichai, waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka teknoolojiyada ku caan baxay hoggaamintiisa xikmadda leh ee shirkadda Google awgeed, isagoo ka soo jeedaa qeys faqiir ah oo India ku dhaqan ayaa hadana waxaa u suuragashay inuu gaaro riyada ah qabashada xilka ugu sarreeya ee shirkadda Google.

Sundar Pichai

Sundar Pichai waxa uu dhashay July 1972 magaalada Chennai ee caasimaadda gobolka Tamil Nadu ee koonfurta India. Aabihii waxa uu ahaa Engineer koronto, qoyskoodu waxey ahaayeen kuwo faqri ah, gaari iyo telefishin midna gurigooda ma oollin. Sundar yaraantiisii waxa uu ka mid ahaa dadka waxbarashada ku sarreeya, waxa uu fursad u helay in uu ku biiro mac’hadka India ee teknoolojiyada, waxaanuu ka qalin-jabiyay 1993, kadib markii uu mac’hadka ka baxay waxa uu minxo waxbarasho ka helay jaamacadda Stanford.

Bilowgiisii hore waxa uu jeclaa in Stanford uu ka qaato PhD jaamacaddana uu ka shaqo bilaabo, laakiin muddo kooban kadib ayuu bilaabay inuu Engineernimo ku shaqeeyay arrintaas oo waalidiintiis ka yaabisay, bilowgiisii hore waxa uu ka shaqeeyay shirkadda “Appled Matriles” oo ku tallaa Silicon Valley ee gudaha California, kadib waxa uu u dallacay maamulka iyo la-talinta shirka McKinsey kadib waxa uu ka howl bilaabay Google 2004.

Pichai gudaha Google

Pichai waxa uu Google ku biiray koox yar oo ka shaqeysa qeybta adeegyada shirkadda, shaqada fiican ee uu halkaa ka qabtay ayaa keentay in caan uu ka noqdo gudaha shirkadda. Mas’uuliyadiisii ugu horreeysay ee Sundar uu qabto waxey ahayd madaxa qeybta nidaamka Android, oo lagu tiriyo nidaamka loogu adeegsiga badan dunida, sanadkii 2011 waxa uu noqday ku xigeenka madaxa labada shirkadood Chrome iyo Android ee hoostaga shirkadda Google, labo sanno kadib waxa uu noqday afhayeenka rasmiga ah ee shirkadda Google ee shirka golaha engineerada horumarinta, sanadkii 2014, waxaa loo dhiibay shaqooyinka wax-soosaarka iyo Engineerinka shirkadda.

Maamulaha fulinta ee shirkadda Google

Google ayuu sii joogay iyadoo ay jirtay dalabaad uu ka helay shirkado kale oo u ballanqaaday iney ka dhiganayaan madaxa fulinta, waxaa ka mid ahaa Twitter oo laba jeer u soo bandhigtay iney ka dhigan doonto madaxa fulinta, sidaas oo kale; waxaa aad u raadineysay shirkadda Microsoft oo shakhsi muhiim ah u arkaysay dooneysaynay iney ka dhigato madaxa fulinta. August 10, 2015 ayaa lagu dhawaaqay inuu noqday maamulaha cusub ee Google, waana shaqada uu hadda hayo.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here