Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa Ka Dib Kulankii Farmaajo Iyo Ka Qayb-Galkii Shirkii Brussels

0
755

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa Ka Dib Kulankii Farmaajo Iyo Ka Qayb-Galkii Shirkii Brussels

Guddoomiyahah xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa lagu soo dhaweeyey madaaarka Cigaal International Aiport oo uu ka soo degay goor dhaweyd kadib markii uu ka soo laabtay shir uu kaga qeyb galay dalka Belgiumka kaas oo loo qabtay dawladda Soomaaliya iyo maamuladdeeda.

Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay kadib soo dhaweyntiisa waxa uu shegay in u ku faraxsan yahay in dalkiisa si diiran maanta. Faysal waxa uu sheegay in aanu ahayn maanta nin looga baqaayo qarannimada Somaliland oo uu yahay nin ku adag.

“Anigu ma ihi nin maanta Somaliland looga baqaayo…” ayuu yidhi Faysal.

“la ficiltami maayo anigu Muuse Biixi” Faysal Cali Waraabe ayaa sida yidhi isaga oo ka u jawaabaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dagaalka Tuke-raq, shirkii Brussels, iyo arrimo kale oo door ah.

Xisbiga Ucid ayaa isagu dhankiisa hore waxa uu walaac uga muujiyeen in xukuumadda Somaliland ay waddo qorshe ay kku xidhayso guddoomiyahooda.Geesta kale waxaana jira shaki laga qabo in xukuumadu xidho maadaama oo uu ka qaybgalay shir ay Somaliland qaadacday oo loo qabtay Somaliya.

 

 

HOOS KA DAAWO :

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, cloud and outdoor

Image may contain: one or more people and people standing

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here