Wararkii Ugu Dambeeyey Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Deegaanka Qalimow ee Sh/dhexe

0
539

Wararkii Ugu Dambeeyey Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Deegaanka Qalimow ee Sh/dhexe

Diyaarado dagaal ayaa xalay fiidkii waxay duqeyn ka geysteen deegaanka Qalimow ee gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka deegaankaasi.

Sidey sheegayaan dadka deegaankaasi, diyaaradahan ayaa waxay dhowr gantaal la eegteen dagaalyahanno Al-shabaab ah oo halkaasi gaadiid ku marayey.

Lama ogaan weli khasaaraha Al-shabaab kasoo gaartay duqeyntan iyo sidoo kale dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeyntan fuliyey.

Al-shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanka Qalimow ee gobolka Shabellaha Dhexe, hase ahaatee waxay deegaankaasi ka baxeen salaaddii Maqrib ee xalay kadib.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here