Maxaa loogu maleynayaa in Pakistan uu afgembi milateri ka dhici doono?

0
630

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo idlaato codbixinta doorashada dalka Pakistan. Malaayin qof ayaa lagu wadaa inay soo doortaan dowladda xigta ee dalkaasi, inkastoo qalalaaso laga soo sheegayo deegaanada qaar.Sarakiisha laamaha ammaanka ee dalkaasi waxaa ay shegeen in nin isa soo midaamiyay uu isku dhex qarxiyay goob ay dadku codkooda ka dhiibanayeen oo ku taalo magaalada Quetta, halkaa na uu ku dilay inkabadan 30 qof.Kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka eeDaacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in isku dhacyo u dhaxeeya taageerayaasha dhinacyada siyaasadda, inkastoo la leeyahay inta badan goobaha codbixinta wa ammaan.Saameynta milateriga iyo doorashadaMilateriga Pakistan oo dalkaasi soo maamulayay inkabadan soddon sano ayaa loomaleynayaa inay gacan saar la leeyihiin Imran Khan oo kamid ah musharixiinta.Ra’yi uruurin la sameeyay ayaa muujineysa in loolanka doorashada dalka Pakistan uu u dhaxeyaa ra’iisula wasaarihii xilka laga qaaday ee Nawaz Sharif iyo ciyaaryahan dheela ciyaarta cricket-ka ee Imran Khan.Waxaase soo bnaxayay walaac ay dhinacyada siyaasadda ka muujinayeen in doorashada ay hareeyso wax isdabamarin iyo qalalaaso. Guddiga xuquuqda aadanaha ee dalka Pakistan waxaa ay shegeen inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farageliyo doorashada.Mr Khan ayaa ku hanjabay inuu wax ka qaban doono musuqa, hasayeshee dadka sidaaadka uga soo horjeeda siyaasadihiisa ayaa waxaa ay ku
dhalileen inuu xiriir dhaw la leeyahay

milateriga oo ay ka cabsi qabaan in

Imran Khan lagaga guuleysto ay miltaeriga sidaasi ku sameyaan afgembi.Nawaz Shariif oo isna kamid ah musharxiiinta doorashada ayaa xilka laga qaaday, xabsiga na loo taxaabay, kadib markii lagu edeeyay fadeexad musuqmaasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here