Mareykanka oo 12 bilyan oo doolar siin doona Beerlayda dalkaasi

0
597

Mareykanka oo 12 bilyan oo doolar siin doona Beerlayda dalkaasi

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in 12 bilyan oo doolar oo ah lacag loogu talagalay in lagu caawiyo beeralayda dalkaasi.

Lacagtan ayaa waxa lagu samatabixin doonaa beerlayda ay saamaynta ku yeelatay dagaalka ganacsiga ee sii xoogeysanaya ee madaxwayne Trump.

Beerleyda ayaa heli doona lacago toos ah amaba waxa u suuragali doonta in wax soo saarkooda dheeraadka ah ay dowladda ka iibiyaan.

Madaxwayne Trump ayaa tallaabadni qaaday ka dib markii ay cambaareyn kulul uga timid beeralayda oo gundhig u ahaa taageeradii uu helay xilligii doorashada.

Mr Trump ayaa sheegay in canshuuraha uu soo rogay looga gol lahaa in wadamada kale lagu cadaadiyo in ay badalan nidaamkooda ku aadan waxyaabah ay Mareykanka dhoofiyaan.

Canshuurihii uu madaxwayne Trump ku soo rogay birta iyo naxaasta iyo balaayiin doolar oo uu ku soo rogay badeecooyiinka Shiinaha laga keeno ayaa waxaa ka dhashay dagaal ganacsi.

Shiinaha ayaa waxay qaadeen tallaabooyin aargosi ah waxa ayna canshuuro dheeraad ah la bartilmaameedsadeen waxyaabaha ay soo saaraan shirkadaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here