Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo Milateri oo lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho

0
702

Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo Milateri oo lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho

Ciidamo Milateri ayaa lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo uu socdo is bedel ballaaran oo lagu sameynayo ammaanka Caasimadda oo labadii todobaad ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Xasilinta ee sugayay ammaanka Caasimadda ayaa la xareeyay, kuwaasoo la isugu geeyay xarunta Xisbiga oo talis u ahaa, waxaana muuqata in howsha mas’uuliyadda amniga Caasimadda laga wareejiyay Ciidanka Xasilinta.

Ciidamada lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Guutada 14-ka October, kuwaasoo la sameeyay kaddib qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii bisha October ee sanadkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay yeelan doonaan talis gaar ah, waxaana tan iyo shalay Ciidamadan si tartiib ah ula wareegayaan amniga baraha ciidan, waxaana lagu wareejiyay Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho sida Ex Koontarool Afgooye, Maslax iyo Galgalato.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maanta Ciidamadan lagu wareejiyo Isgoysyada waddooyinka magaalada Muqdisho ee ay horay u joogeen Ciidamada Xasilinta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in markii hore ay Madaxda dowladda isku maandhaafeen howlaha sugida amniga Caasimadda oo ahaa mid ka dhashay cabashooyin badan oo la xiriira in xirnaanshaha waddooyinka oo lagu gooyay dhagxaan iyo carro.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hey’adaha ammaanka Caasimadda ku amray inay is bedel ku sameeyaan istiraatiijiyada amniga Caasimadda, isagoo kulamo la lahaa saraakiisha iyo hoggaanada ciidanka.

Dad badan ayaa hadal haya waxa ay ammaanka Caasimadda ka bedeli karto haddii ciidamo Milateri lagu wareejiyo, tiiyoo Ciidamada Milateri laga filayay inay furimaha dagaalka ka howl galaan iyo Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here