DAAWO : Wafti Ay Hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ciidammada Birmadka Iyo Millatariga Oo Hawlgalo Ka Fuliyey 16 Tuulo Oo Hoos Yimaada Degmada Ceel Afweyn

0
598

DAAWO : Wafti Ay Hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ciidammada Birmadka Iyo Millatariga Oo Hawlgalo Ka Fuliyey 16 Tuulo Oo Hoos Yimaada Degmada Ceel Afweyn

Wafti Ballaadhan Oo Iskugu Jira Xukuumada Iyo Ciidamada Qaranka Iyo Birmadka Ayaa Kormeer Iyo Hawl Galo Ku Kala Bixiyey 16 Tuulo Oo Hoos Yimaada Degmada Ceel Afweyn Kuwaasi Oo Ay Degaan Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawaan Colaadu Dhex Martay Isla Markaana Ergada Nabadayntu Xalintooda U Fadhido Degmada Ceel Afweyn.

Waftidan Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Ayaa U Kala Qayb Sanaa Laba Qaybood Kuwaasi Oo Guud Ahaan Tuu Wasiirku Hogaaminayey Isla Markaana Kala Ahaa Wafti Iskugu Jira Ciidamada Birmadka Iyo Milatariga Oo Hawlgalo Fulinayey Iyo Dhinaca Kale Oo Ahaa Wasiirada Xukuumada Oo Kormeer Fulinayey.
Wasiirka Warrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Waxa Ku Wehelinayaan Wasiirada Deegaanka, Arrimaha Bulshada Iyo Shaqo Galinta, Xanaanada Xoolaka Iyo Kalluumaysiga, Ciyaaraha , Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Iyo Abaan Duulaha Labaad Ee Ciidamada Qaranka.
Halka Waftida Kale Ee Ciidamada Qarankana Ay Hogaaminayaan Hogaanka Ciidanka Birmadka Somaliland Iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Ee Ciidanka Mila Tariga.

Kormeerkan Iyo Hawlganka isku jira Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loo Fulinlahaa Go’aamadii Kasoo Baxay Shirguddoonka Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Kaasi Oo Ahaa Inaan Deegaanada Labada Reer Wada Dagaan Aan Lagu Arag Wax Ciidan Urursan Ah Iyo Nin Hubsita Toona.

Tuulooyinka waftidu soo mareen ayaa waxaa kamid ahaa :
1- Beer weyso 8- Gal iyo Gac
2- Garab Cad 9- Laas Doomaare
3- Jaaw 10- Dhedinka
4- Xamilka 11- Fadhi Gaab
5- God Waraabe 12- Ceel Nimcaan
6- Darar Weyne 13- Ceel La Helay
7- Dhabar mamac 14- Sin Caro
8- Siiga Dheer

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here