Maxkamadda ICJ Oo Imaaraadka Ku Amartay In Ay Dhowrto Xuquuqda Muwaadiniinta Qadara

0
627

Maxkamadda ICJ Oo Imaaraadka Ku Amartay In Ay Dhowrto Xuquuqda Muwaadiniinta Qadara

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa ku amartay dowladda Imaraadka in ay difaacdo xuquuqda muwaadiniinta u dhashay dalka Qadar.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku amartay dowladda Imaraadka in ay ardayda Qadar ee dalkeeda wax ka barta ay u ogolaato in ay waxbarashadooda dhamaystaan.

Xukuumadda Qadar ayaa kiis ka dhan ah Imaradka gaysay maxkamada caalamiga ah ee cadaadlada ee ICJ.

Maxkamadda ayaa sidoo kale gudoomisay in dowladda Imaaraadka ay ogaalaato in ay qoysaska uu khilafka dalalkan kala geeyay ay dib u midoobaan.

Waxaa sii kordhoysay muddooyiinkii ugu dambeeyay xiisadda u dhaxeysa Qadar iyo Imaaraadka.

Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaay horey Qadar ugu soo rogeen xayiraad iyo go’doomin.

Dalalkan ayaa waxay ku eedeeyeen Qadar inay maalgeliso kooxo mintidiin ah.

Qadar ayaa beenisay eedeeynta ay dalakan us oo jeediyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here