Kuuriyada Waqooyi Oo Bilaawday Burburinta Xarumihii Ganatalada Riddada Dheer

0
654

Kuuriyada Waqooyi Oo Bilaawday Burburinta Xarumihii Ganatalada Riddada Dheer

Muuqaal dhanka Setalitka ah ayaa muujinaya in xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ay bilawday burburinta xarumihii muhimka ahaa ee loo isticmaali jiray hormarinta gantaaladda tiraddada dheer.
Warbixin ay soo saareen kooxda la socdka kuuriyada waqooyi 38 ayaa muujinaysa in Kim Jong-un laga yaabo in uu fulinayo balanqaadkii uu u sameeyay madaxwayne Trump oo ay bishii June ku kulmeen dalka Singapore .

Muuqalada la baahiyay ayaa muujinaya shaqo burburin ah oo ka socota xarunta laga ganno dayax gacmeedka ee Sohae, taasoo ku taal soohdinta ay Kuuriyada Waqooyi la leedahay dalka Shiinaha.
Kooxda la baxday group 38 North oo intii muddo ah dusha kala socday howlaha xaruntaasi ayaa sheegtay in dhismayaasha la burburinayo uu ka mid yahay dhismo lagu tijaabiyo matoorka gantaallada ballistic-ga loo yaqaan eel eh ridda dheeh iyo tan dhaxaba.
Waxaa la rumaysan yahay in xarumahaasi ay dowr muhiim ah ka qaateen hormarinta tiknoolajiyadda uu ku shaqeeyo barnaamijka gantaallada ballist-ga ee Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo warbaahinta la hadlay ka dib kulankii taariikhiga ahaa ee Singapore ka dhacay bishii hore in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-Un uu u ballanqaaday burburinta xaruntaasi.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in hogaamiye Kim uu billaabay fulinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen asaga iyo Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here