DEG DEG : Dagaal Mar Kale Dib Uga Bilaabmay Deeganka Ceel Afweyn Iyo Dhimasada Oo Saddex Qof Mareysa

0
1013

DEG DEG : Dagaal Mar Kale Dib Uga Bilaabmay Deeganka Ceel Afweyn Iyo Dhimasada Oo Saddex Qof Mareysa

Ceerigaabo (Dalmar-News):- Warar hada naga so gaadhaya deegaanka ceel afwayn aya sheegayaan in Degaanka Ceeryaan Ee Konfuta Magalada ceerigaabo isla markaana dhinaca bari kaga beegan  deeganka Ceel Afweyn uu saaka dagaal ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega .

Iska hor imaadkana saaka labada beelood ka dhex qarxay ayaa waxaa ku dhintey 3 qof oo labada dhinac-ba sida ay wararku sheegayaan isla markaana waxaa ku dhaawacantey tiro intaas ka badan .

Labadan beelood ayaa kala ah Beesha Biciide / Habar Jeclo iyo Beesha Muuse Ismaciil / Habaryoonis .

Ilaa hada lama oga sababat rasmiga ah ee kaliftey in uu dagaalkaasi qarxo balse wararka qaar waxaa ay sheegayaan in khilaaf in muddo ahba soo jiitamaayey uu u dhaxeeyey labadaas beelood .

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Burco/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here