Bunku Waxa Uu Dila Caddaanka Dabiiciga Ah Ee Ilkaha, Haddaba Sidee Aad Isaga Iaalin Kartaa?

0
732

Bunku Waxa Uu Dila Caddaanka Dabiiciga Ah Ee Ilkaha, Haddaba Sidee Aad Isaga Iaalin Kartaa?

London (Dalmar-News)- Bunku waxa uu ka mid yahay cabbitaannada ugu badan ee dila caddaanka ilkaha. Waxa aanay la ogyahay in qofka oo ku talaxtago cabbitaanka bunku in uu dilayo midabka caddaanka ah ee ilkihiisa. Marka ay sidaas tahay waxaa muhiim ah in qof kasta oo bun cabbayaa uu niyadda ku hayo khatarta dhinaca ilkaha ee uu keeni karo iyo in uu ilkaha caafimaadkooda dhaawacayo quruxdoodana kaxaynay.

Dr. Mark Hughes oo ah dhakhtar caan ah oo ku xeeldheer caafimaadkal ilkaha, ayaa sheegay in dadka isticmaalka cabbitaannada leh Kaafiyeentu (Caffeine) ay inta badan mooggan yihiin in waxyeellayn karto caafimaadka ilkahooda, sidaa awgeed aanay inta badan daryeelin ilkaha. Dr. Mark Hughes waxa uu sheegay in koob keliya oo bun ah oo maalintii la cabbaa aanu raad dhaqso ah oo muuqda ku yeelanayn ilkaha, laakiin haddana marka uu muddo soo noqnoqdo in ay maaddadaasi ay dhex gasho ilkaha, oo ay gaadho lafta iligga. Waxa uu sheegay in marka ay laftaas gasho in ay adkaanayso in la maydho ama si uun lagu tirtiro.

Dhakhtarkan ilkuhu waxa uu caddeeyey in ay lagama maarmaan tahay in mar kasta oo cunto la cuno ama bun la cabbo ay fiican tahay in biyo yar oo qaboow la cabbo oo afka lagu yara hayo ama lagu luqluqdo. Waxa uu sheegay in ay biyahaas qabowga ahi awood u leeyihiin in ay jaraan wax kasta oo ku dhega iligga ama dhexgala. Isaga oo sida oo kalana ku taliyey in la isticmaalo burushka ilkaha ugu yaraan maalintii laba jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here