Trump Oo Digniin Iyo Hanjabaad Culus U Diray Iran

0
597

USA (DN):-Madaxweynaha Mareykanka DonaldTrump, ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitter ugu digay Iran “Marnaba ha u hanjabin Mareykanka”, waxyar un kadb markiixoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu jeediyey khudbad ka dhan ah Iran.”Madaxweynaha Iran Rouhani, waxaan u sheegayaa, marnaba, marnaba ha u hanjabin Mareykanka mar kale, haddii kale waxaad la kulmi doontaa cawaaqib aana cidna horey u asiibin taariikhda dunida. Hadda kadib ma nihindad u dulqaadan doona hadalladaada bahdilka, rabshadaha iyo dhimashada ah. Ka fiirso” ayuu Trump ku yidhi qoraal uu so dhigay twitter, xilli dambe oo maalintii axadda ahayd.Trump ayaa u muuqday inuu ka jawaabayey wabixino kasoo xigtay madaxweyne Rouhani oo Trump uga digay “Ha ku cayaarin seenta libaaxa, tani waxay horseedi doontaa kaliya shalaay”.”Mareykanka waa inuu fahmaa in nabad lala galo Iran ay tahay hooyada nabadda oo idil, dagaal lala galo Iran-na uu yahay hooyada dagaallada o idil.”Gen. Gholam Hossein Gheibparvar, oo ah sarkaal sare o ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku gacan seeray hadallada Trump oo uu ugu yeeray “dagaal danka maskaxda ah”, islamarkaana Trum uusan qaadi doonin tallaabo ka dhan ah Iran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here