Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan qado ah u sameeyay waxgaradka iyo duubabka dhaqanka Beesha Mudulood

0
731

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan qado ah u sameeyay waxgaradka iyo duubabka dhaqanka Beesha Mudulood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan qado ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo oday dhaqameedka Beesha Mudulood iyadoo kulankana uu ahaa mid si wanaagsan u dhacay.

Kulankan ayaa dhex maray Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali khayre iyo Beesha Muddulood waxaana ka soo qeybgalay Imaamka, Ugaasyada, Salaadiinta, Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Agaasimayaal guud, Ganacsato, Dhaliyaro, Haween, iyo Nabadoonnada Mudulood iyadoo  kulankana uu ahaa is-xogwareysi xaaladda guud ee dalka gaar ahaan deegaannada ay beeshani degto.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu hambalyeynayay Xukuumadda uu Hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo waxqabadka ballaaran ee ay dalka gaarsiisay muddadii koobnayd ee ay joogtay.

Dhammaan masuuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda dadka iyo deegaanku ay ku sugan yihiin sidoo kale waxay taageero lixaadle u muujiyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo waxqabadka dhinacyada badan ee ay gaarsiisay dalka. waxa ayna u rajeeyeen in uu ku guuleysto ajandayaasha qaran, iyaga oo sheegay in ay ku garab taaganyihiin qabashada hawlaha lagu horumarinayo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa dhankiisa ugu duceeyay Ra’iisul Wasaaraha in Alle ku guuleeyo shaqada ballaaran ee u taalla. waxa uuna kula dardaarmay in uu badiyo la tashiyada uu la sameynayo wax garadka iyo oday dhaqameedyada si talo iyo tusaale wanaagsan oo wax dhisaya loo helo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo gabagabada munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen dawladda iyo ducada ay la garab taaganyihiin, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in uu sii laba jibbaarayo dadaalada loogu jiro horumarinta dalka si mar kale Soomaaliya ay ula falgasho dunida inteeda kale.

Mudane Khayre ayaa ka sheegay in uu Ra’iisul wasaare u yahay Ummada Soomaaliyeed oo dhan isla markaana uu si caddaalad ah ugu adeegi doono shacabka guud ahaan, Sidoo kale wuxuu Ra’iisul wasaaruhu ballan qaaday in ay mashaariic badan dalka dhawaan ka bilaabi doonaan sida; Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ay ku bexeyso lacagtii ugu badneyd oo la geliyo dhul Soomaaliyeed taas oo ah hanti lacageed oo ka badan 180 milyan oo doolar.

Ugu dambeyn waxa uu Ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay si mashaariicdaas iyo qaar kale oo soo socdaba loo hir-geliyo inay dawladda kala shaqeeyaan Nabadaynta iyo horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here