Dowlada Federalka oo ka hadashay dagaalka saaka ka dhacay Baar Sanguuni

0
758

Dowlada Federalka oo ka hadashay dagaalka saaka ka dhacay Baar Sanguuni

Dowlada Federalka ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay weerar saaka waaberigii ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 50km u jira magaalada Kismaayo.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isxaaq Cali ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay dileen 87 ka tirsanaa maleeshiyaadkii soo weeraray saldhigga ciidamada Sanguuni ayna ku raad joogaan maleeshiyaad kale.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgal ballaaran haatan ka wada deegaanka Baar-sanguuni iyo nawaaxigiisa,iyagoo ku raad jooga maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab oo saaka arroornimadii weerar ku soo qaaday fariisin ay ciidamadu ku lahaayeen halkaasi.”ayuu yiri Aadan Isxaaq Cali Wasiir ku xigeenka Warfaafinta dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa  mid ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ,balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi,iyagoo khasaare xoogan u geystay maleeshiyaadkii weerarkaasi soo qaaday.

Sida ay daabacday wakaalada wararka SONNA ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland inay qaadeen weerar rogaal celis ah ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay ku dileen illaa 27 askari weerarkii ay saaka waaberigii ku qaadeen saldhigga ciidamada ee Baar Saanguuni balse sarkaal u hadlay ciidamadii ku sugnaa saldhigaas ayaa beeniyay isagoo sheegay in lix askari ay ku dhinteen weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here