Ciyaar yahanka Caankaa Ozil oo go’aansaday in uusan mar dambe u ciyaarin Jarmalka

0
735

Ciyaar yahanka Caankaa Ozil oo go’aansaday in uusan mar dambe u ciyaarin Jarmalka

Mesut Ozil oo ah laacib khadka dhexe uga dheela kooxda Arsenal ayaa sheegay in uu go’aansaday in uusan mardambe u ciyaarin xulka qaranka ee dalka Jarmalka.

War qoraal ah oo uu soo saaray ciyaartoygan 29 jirka ah ayuu ku sheegay in sidii ay ula dhaqmeen Xiriirka Kubadda ee Jarmalka ay ku dhalisay “in uusan mardambe xiranin maaliyadda uu ku dheelo xulka Jarmalka”.

Wuxuu sidoo kale sheegtay in lagu eedeeyay wajigabixii uu Jarmalku kala kulmay Koobka Adduunka.

Bishii May ayaa Ozil lagu dhaliilay in uu sawir la galay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan mar ay isugu tageen xaflad London ka dhacday.

Ozil ayaa xalfaddaas ka qaybgalay isagoo uu ku weheliyo Ilkay Gundogan oo xulka qaranka ee Jarmalka ay iskala dheelaan. Ozil iyo Gundogan labadooduba asal ahaan waxay ka soo jeedaan Turkiga.

Ozil wuxuu sheegay in isaga iyo Gundogan ay madaxweynaha Turkiga kala sheekaysteen kubbad.

Intaas ka dibna xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK ayaa baahiyay sawirro ay isla galeen, markaas waxaa socotay ol’olihii doorasha ee Erdogan uu markii dambe ku guulaystay.

Siyaasiyiin badan oo reer Jalmar ah ayaa su’aal galiyay daacadnimada ay Ozil iyo Gundogan u hayaan qiyamka dimuqraadiyadda Jarmalka.

Jarmalka ayaa horay ugu dhaliilay madaxda Jarmalka in ay ugaarsanayaan siyaasiyiinta mucaaradka wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay.

Ozil ayaa sheegay in haddii uusan sawir la galin madaxweyne Erdogan “ay taasi ixtiraam darro ku noqon lahayd dalkii uu ka soo farcamay”.

Wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay soo gaareen dhambaallo nacayb ah, taleefanno loogu hanjabayo iyo fariimo baraha bulshada loo soo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here