Al-Shabaab oo weerar Iyo qaraxyo ku qaaday saldhig ku yaal duleedka Kismaayo

0
700

Al-Shabaab oo weerar Iyo qaraxyo ku qaaday saldhig ku yaal duleedka Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saaka aroortii weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen saldhig Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u culus oo saacado badan qaatay, waxaana Shabaabka ka weerareen dhowr jiho saldhiga deegaanka Baar sanguuni.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku bilowday qaraxyo xooggan oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saldhiga lagu weeraray.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay warbaahinta ku hadla afka Shabaab ayaa sheegay inay la wareegeen saldhigga, isla markaana ay ku dileen illaa 27 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Hase ahaatee sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab, waxaana uu sheegay inay iska difaaceen weerarka Shabaab.

Ma jirto warar ka madax banaan wararka ka soo yeeray labada dhinac, waxaana warar soo baxayay sheegayaan in dagaalka uu soo gaaray illaa 7-dii subaxnimo, isla markaana uu dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here