Al-Shabaab oo sheegtay in 27 askari ku dileen dagaal ka dhacay Bar Sanguuni

0
846

Al-Shabaab oo sheegtay in 27 askari ku dileen dagaal ka dhacay Bar Sanguuni

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen 27 askari tiro kalana ku dhaawaceen ayna la wareegeen saldhig ay ciidamada dowlad ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigga ay ciidamada maamulka Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni ayna ku dileen 27 askari.

“Waxaan ku weerarnay saldhigga weerar is qarxin ah kadibna weerar toos ah ayaan ku qaadnay.”ayuu yiri Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab.

Weerarkan lagu qaaday saldhiga Bar Sanguni oo qiyaastii 51km u jira magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu weerarkan yimid kadib bishii June markii weerar ay ku qaadeen ururka Alshabaab saldhigaas.

Ciidamo xoojin ah oo ka socda maamulka Jubbaland ayaa gaaray saldhigga Bar Sanguuni halkaa oo la sheegay in ay saacado kooban haysteen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Askar ku dhaawacantay dagaalkan oo dhacay saaka waaberigii ayaa la geeyay magaalad Kismaayo inkastoo sarkaal u hadlay ciidamada Jubbaland uu sheegay in lix askari ay ka dhinteen halka afar kalana ay ka dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here