Madaxweynaha oo ku amray Hey’addaha Amniga inay dib u habayn ku sameeyaan qaabka sugidda amniga Muqdisho

0
553

Madaxweynaha oo ku amray Hey’addaha Amniga inay dib u habayn ku sameeyaan qaabka sugidda amniga Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, isagoo siiyay awaamiir cusub oo dib loogu habeynayo qaabka sugida amniga Caasimadda oo muddooyinkii u dambeeyay dhaliil xooggan loo jeedinayay, kaddib qaraxyadii labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha oo xirnaa dharka Milateriga ayaa galabta shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Maaliyadda, Taliyeyaasha NISA, Milateriga iyo Saraakiisha kale ee laamaha Ammaanka.

Waxaa uu warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxaana uu ku adkeeyey inay iskaashi iyo is dhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu shir guddoomiyo Madaxweynaha, kaddib 48 saac oo ay ka soo wareegatay go’aankii Guddiga Amniga Qaranka ka soo saareen in la furo jidadka xiran, iyadoo maanta ay dhaqan gashay tallaabadii u horeysay oo lagu fududeeyay isu socodka waddooyinka magaalada, isla markaana laga qaaday Ciidamadii joogay Isgoysyada qaar, si loo sahlo isu socodka maalmihii la soo dhaafay xanibnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here