DAAWO : Dood Ku Saabsan In 2, 3 Ama 4 Dumar Mar La Wada Guursado Oo Hargeysa Lagu Qabtay, Daliilka Culimada, Aragtida Abwaanka & Talada Aabbo 4 Xaas Guri Ku Wada Qaba

0
1002

DAAWO : Dood Ku Saabsan In 2, 3 Ama 4 Dumar Mar La Wada Guursado Oo Hargeysa Lagu Qabtay, Daliilka Culimada, Aragtida Abwaanka & Talada Aabbo 4 Xaas Guri Ku Wada Qaba

Hargeisa (Dalmar-News):-Abwaan Muuse Cali Faruur oo ka mid ah Suugaanyahannada reer Somaliland, ayaa ka hadlay noocyada Guur ee dadkii hore ee Soomaalidu u guursan jireen ama Guurku ku iman jiray.

WejiAbwaanka oo ka qayb-galay Dood uu Telefiishanka U Universal u qabtay Guurka Bilihii u dambeeyay ka dhacayey Dhulka Soomaalida ee Ragga qaarkood ay Saddex ama Laba Hablood mar keliya wada Guursanayaan, ayaa sheegay in Guurka Soomaalidu uu ahaa Toban Nooc, tobankaa nooc aanay ka mid ahayn in Nin keliya uu Mar keliya wada guursado dhowr Hablood.

Abwaan Muuse Cali Faruur, oo sharraxaya Tobanka nooc ee Soomaalidu isku guursan jireen ayaa yidhi “Guurku wuxuu ahaan jiray toban, shan meelood oo min laba ah. Laba waxa la odhan jiray Guurka tooska ah, laba waxa la odhan jiray Sahan dumar, labana waxa la odhan jiray dhac ama Boob, labana waxa la odhan jiray Geeridaa keenta, labana waxa la odhan jiray bogsiin.”

Abwaanka oo mid mid ah u sharraxaya Tobankaa siyaalood ee Soomaalidii hore isku guursan jireen ayaa yidhi “Guurka la yidhaahdo bogsiin, waxa weeye laba Beelood ayaa dagaalamay, waa la wada hadalsiinayaa si loo heshiisiiyo, waxa la bixinayaa gabadh godob-reeb ah, Waayo? waxa la yidhi Meel Xinjiri taallo Xabna ha yaallo, oo Inankii Aabbihii la dilay Gabadhii la siiyey waataa u dhashay oo waa lagu bogsiinayaa. Mid kale ayaa jiray, Nin baa Inan faro-xumaynaya, berigii hore jeel muu jirin Ninka lagu xidho, waxay ahayd in Labadii Qabiil ee ay ka soo kala jeedeen is-dilaan ama in Ninkii uu Inantii uu Faro-xumeeyay uu kaxaysto oo uu Guursado, markaa labadaa Godob-reeb ama Bogsiin ayaa la odhan jiray. Labana Geeri daa keentaa ayaa la odhan jiray, waa Dumaasha iyo Xigsiisanka, waa dhaqankii aan soo gaadhay. Labana waa boob ama dhac, waa Marka Inantu ay Ninka raacdo, gabadha Reer baa ku soo tabcay inuu Nin iska kaxaystaa waa Dhac. Mid kale ayaa jirtay oo ahayd Dhabar garaac oo khasab lagu kaxaysto.”

Abwaanka oo Sharraxaaddiisa sii wata ayaa sheegay “Waxa jiray Sahan Dumar, waxa jirtay in Habluhu ay Heermi jireen oo ay rag doonan jireen marka Ragga (doonaya inay guursadaan) Xoolo lagu xidho. Marka Habluhu Reer u tagaan ayaa inta la sooryeeyo la dhegaysan jiray. Tusaale ahaan Afar Hablood oo wada socda ayaa iyagoon laba Habeen qatanaa loo qalay Wan weyn, markii Hilibkii loo geeyay ayay mid tidhi ‘Alla kululaa kama naallee’ oo dib bay uga fadhiisatay, midna waxay tidhi ‘Naa kadhan maynee kala go’’ miyeynu sugi karaynaa, midna waxay tidhi ‘haa ha qaboobee qaban wayn ku rid..’, midna waxay tidhi ‘ha Kafafee korka saar’. Tii tidhi ‘kululaa kama naalee iyo tii tidhi ‘ha kafafee korka saar’ ayaa subaxdii la guursaday, labadii kale ee Balwaddooda daacadda u noqday lama guursan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Mid kale ayaa jirtay, Inan reer u gashay, Inantaasi markay Reerka u gasho, Odaygaa ay u soo gashay reerkiisu hadduu 3 Dumar ah leeyahay oo uu qabo, gabadhaana waa inoo meheriyaa, hadduu Meherin waayo waa Inuu Inankiisa u dhisaa ama Inankuu adeerka u yahay u dhisaa ama waa inuu Subaxda 50-keedii raaciyaa (Magta ahaa). Labada kale waa Guurka tooska ah, Tusaale ahaan Inan iyo Gabadh ayaa heshiinaya, Gabadhaa Inanka ku odhanaysa Reerkayaga u tag, markaas ayaa loo dhamaynayaa iyo mid kale oo ahaa Laba reer oo Is Ilmaabti guursada oo Inantii ka dhalataba uu reerka kale guursado, markaa Guurku tobankaa nooc ayuu ahaa.”

Abwaan Muuse Cali Faruur, wuxuu sheegay inaanu hore u arag Saddex ama Afar Hablood oo Nin keliya uu mar wada mehersanayo imika ka hor “Aniga iyo Dadka ila da’da ahi waxaanu soo gaadhnay Guurka noocyadaas ah (ee aan ka warramay), balse Guurkan Saddexda ama Afarta mar la wada meherinayo Anigu maan soo gaadhin ee Malaha Inankaygaa soo gaadhay..”ayuu yidhi.

Weriye Maxamed Xasan Cali (Waji) oo doodda uu Telefiishanka Universal qabtay ka qayb-galay, ayaa isaguna sheegay inay Sanadahan dambe Soomaalida ku soo kordhayaan Guur uu Magacyo ku sheegay, waxaanu yidhi “Imika waxa jira ‘Guur xayraan’ tusaale ahaan Nin aan waxba haynin oo guriga lagu hayo, ama aan da’dii guurka gaadhin ama aan laga filaynin, oo laga yaabo in Maalin uu Gabadhi intay guriga timaaddo tidhaahdo waxaan ahay Xaaskiisii. Isagii baa xayraan ah, reerkiisii baa xayraan ah, markaa Guurkaa duco ka dhalan-mayso. Waxa kale oo beryahan soo baxay ‘Guur Cabasho’ Geed walba waxaad ku arkaysaa Inan cabanaya oo leh ‘Maxaanu guursanaa Gabdhihii baa Xaflad doonaya, Dahab doonaya. Guur kale ayaa jira oo ka dhasha Tahriibka, waa Caqli wanaagsan, intuu Badda ku dhiman lahaa ayuu Wadaad (Islaan) ayuu ku Tahriibaa (Guursadaa). Imikana waxa soo baxay Guurka Jumladda ah ee Laba, Saddex iyo Afarta ah..”

Suldaan Abu Sufyaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland isla-markaana guri ku wada qaba Afar Dumar ah oo dooddan ka qayb-galay, ayaa sheegay in in Dumarka badan ee la guursanayo loo baahan yahay in dareenkooda la ilaaliyo oo aan mar keliya Arooskooda la wada qabanin “Dumarka nolosha lala wadaagayo ee la Guursanayo waxay u baahan yihiin oo ay u leeyihiin in dareenkooda la ilaaliyo, iyadoo Islaamku afar Dumar banneeyay haddana dareenkooda wuu ilaaliyey, tusaale ahaan Islaamku wuu diiday in Inan iyo Edadeed la wada guursado ama Inan iyo Habar-yarteed iyo wixii la mid ah, sababta loo diidayna Culimadu waxay yidhaahdeen dareenkooda iyo Shucuurtaada ayaa la ilaalinayaa. Marka Guri la dhisayo ama laba reer ha ahaato ama Afar reer ha ahaatee Islaamku wuxuu banneeyay in Wakhti la siiyo, ugu yaraan in Qofku isagoo Arrinkii ku qanacsan uu kula qaato, laakiin in la yidhaahdo hal habeen ayuu Meherkoodu dhacayaa ama Arooskoodu dhacayaa, markaa fikir ahaan waxaan qabaa in Arrintu wakhti qaadato, sababta oo ah waxa laga yaabaa inay dhibaato Adiga gudahaaga ah keento ama ay dhibaato Adiga dibeddaada ah keento.”

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo ka mid ah Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo dooddaa qayb ka ahaa ayaa isaguna yidhi “Culimada Islaamku waxay isku waafaqeen in Xikmadda uu Alle (SW) u banneeyay Guurka Dumarka badan inay tahay badashada ay badanayaan Dumarku, sidaas ayaa Ummaddeena Nebi Muxamed Afarta Dumarka ah loogu banneeyay, laakiin goormay Afartu bannaan yihiin, Ilaahay wuxuu kaga hadlay Qur’aanka kariimka ah, Suuratu Nisaa wuxuu Illaahay ku yidhi ‘Haddaynaan Caddaalad samayn karaynin mid ku deysta’. Waxa kale oo Guurka Afarta Dumarka ah loo eegaa Awoodda Galmada (ee Ninka) iyo nafaqada, markaa Afartu dumar ah Guurkoodu wuxuu Bannaanaanayaa marka Caddaalad loo helo (loo samaynayo Caddaalad), in Habeen keliya la wada aroosaana Sunnaha ayay khilaafsan tahaym, Waayo? Nebigu (CSW) wuxuu Xadiis ku yidhi ‘Ninka Carruuska ahi 7 Habeen ayuu Gabadha Bikrada ah gaar ku ahaanayaa, hadday Inanta la guursaday Carmal ahaydna Saddex habeen ayuu gaar u ahaanayaa Ninka Carruuska ahi..’, laakiin marka Inantii Caruuska ahayd ay Inantii kale ku qabsato Sunnaha way khilaafsan tahay..”

Dooddan waxa goob-joog ka ahaa Wiil dhallinyaro ah oo dhawaan Magaalada Hargeysa mar keliya ku wada guursaday Laba Hablood.

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here