Boqolaal Soomaali ku go’doonsan degaanka Guji Ee ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda oo halis ugu jira in la laayo

0
750

Boqolaal Soomaali ku go’doonsan degaanka Guji Ee ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda oo halis ugu jira in la laayo

Qiyaastii 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya.

Dadkan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, iyagoo magan galay saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.

Dadkan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan, iyagoo xusay hadii ay banaanka u soo baxaan ay dilayaan maleeshiyada Oromadda ah, waxayna dadkan isugu jiraan, Carruur, Haween iyo waayeel.

Qaar ka mid ah dadka xabsiga ku jira ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan haween xabsiga ku dhex umulay saacaddihii lasoo dhaafay.

Meesha hadda ay ku sugan yihiin ayay sheegeen in ay ku qabaan dhibaatooyin badan sidda Caafimaad daro, cunto la’aan iyo halis dhinaca amaanka ah.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayay ugu baaqeen in si deg deg ah loo soo gaaro si goobtaas looga saaro, lana geeyo meel amaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here