Midawga Yurub Oo Dawladda Soomaaliya Ku Eedeeyay Kelitalisnimo Kuna Hanjabay In Ay Ka Goynayaan Kaalmada Ay Siiyaan

0
671

Midawga Yurub Oo Dawladda Soomaaliya Ku Eedeeyay Kelitalisnimo Kuna Hanjabay In Ay Ka Goynayaan Kaalmada Ay Siiyaan

Baarlamaanka dalalka Midawga Yurub, ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay xukun keli talis nimo ah iyo in ay ciidanka amniga Soomaaliya dil joogto ah u geystaan dadka rayidka ah.

Waxaanay baarlamaanka midawga Yurub sheegeen in dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciidankeeda amnigu qayb weyn ay ku leeyihiin dilalka maalin kasta ka dhaca Soomaaliya ee qorshaysan, waxaanay uga digeen dawladda Madaxweyne Farmaajo falalka dilalka qorshaysan ee ay ciidamadiisu geystaan in ay joojiyaan.

Baarlamaanka dalalka Midawga Yurub, waxay sheegeen in ay dawladda Soomaaliya ka goyn doonaan kaalmada ay siiyaan, haddii ay joojin waydo falalka dilalka iyo tacadiga ah ee ay geysteen ciidamadeedu.

War bixin ka kooban toban bog oo baarlamaanka midawga Yurub ka soo saaray xaalladda Soomaaliya iyo keli talisnimada maamulka Farmaajo, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya lagu dilay dad ka badan 2,507 qof, isla markaana dadkaa intooda badan ay dileen ciidanka dawladda Soomaaliya.

Waxa kale oo war bixinta lagu sheegay in ciidanka nabad sugidda Soomaaliya ee loo yaqaan Nisa in ay geystaan dilal qorshaydan iyo gabbood fallo ka hor imanaya xuquuqda aadamaha.

Warbixinta ayaa lagu yidhi “Waxaan dhalleecaynaynaa xukunka kaligii taliska ah ee hadda ka jira Soomaaliya, kaas oo abauuray dareen colaadeed, in la xidho ama la dilo siyaasiyiinta siyaasada kaga soo hor jeeda Dowlada, in la diido in bulshada rayidka ahi si xor ah u kulanto, in la xidho, lana dilo saaxafadda madxada bannaan”

Qoraalka oo aad u faah faahiyay gabbood fallada ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku hayso dadka rayidka ah, ayaa intaa ku daray “waa in ay dowladdu joojisaa isticmaalka hay’ada nabadsugida oo loo isticmaalayo in shacabka lagu dhibaateeyo, waa in la xakameeyaa hay’adda NISA haddii kale Midowga Yurub kaalmada Soomaaliya waa ay joojinaysaa”

Maaha markii ugu horraysay ee dawldda Soomaaliya ee caalamku taageero lagu eedeeyo in ciidammdeeda kala duwani ay geystaan falal lid ku ah xuquuqda aadamaha, laakiin warbixintan ayaa ah tii ugu weyneyd ee lagu sheego falalka dilalka ah ee ciidanka nabad sugida iyo ciidamada kale ee Soomaaliya ay dadka rayidka ah, siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo saxaafadda madaxa bannaan u geystaan.

Waxaanay baarlamaanka midawga Yurub ku hanjabeen in ay arrintaa kaga jawaabayaan in dawladda Soomaaliya ay ka gooyaan kaalmada ay siiyaan, kol haddii loo adeegsanayo in dadka rayidka ah lagu dhibaateeyo, halkii ay ahayd kaalmada ay siiyaan in dadka wax loogu qabto.

Waxaanay warbixintu si cad u iftiimisay in dilalka ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ee lagu wada eedeeyo in kooxaha dawladda ka soo hor jeedaa ay gaystaan, in dawladda Soomaaliyana ay qayb ka tahay isla markaana ay geysato dilalka ugu badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here