DEG DEG : Qarax ka dhashay gaari oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0
691

DEG DEG : Qarax ka dhashay gaari oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kaddib qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa kuwo baabuurta lagu xiro, waxaana la sheegay gaariga ay saarnaayeen hooyo iyo labo wiil ay dhashay, waxaana ku geeriyooday darawalka gaariga, halka hooyada iyo wiilka kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Haweeney wadada mareysay ayaa ku dhaawacantay qaraxan oo dhacay abaarihii 7-dii subaxnimo iyo qadar daqiiqado ah.

Wararka ayaa sheegaya in hooyada qaraxa ku dhaawacantay ay saaka ka dhoofeysay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta yar yar ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu bartilmaameedsaday dad kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here