Cuntada Hudheelladu Waxa Ay Sababi Kartaa Caafimaad Darro Khatar Gelin Karta Awoodda Dhalmada

0
709

Cuntada Hudheelladu Waxa Ay Sababi Kartaa Caafimaad Darro Khatar Gelin Karta Awoodda Dhalmada

Cilmibaadhis ay natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in wax ka cunista hudheellada  / maqaaxiyaha cuntadu ay jidhka u soo jiiddo dhibaatooyin caafimaad darro oo qaarkood aad u khatar badan yihiin. Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in wax ka cunista hudheellada iyo meheradaha lagu iibiyo cuntada fudud / degdegga ah kor u qaado khatarta ah in qofka ay jidhkiisa galaan maaddooyin kiimikaad oo xanniba ama khalkhal geliya shaqada hormoonnada ee jidhka.

Natiijada cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarab ayaa caddaysay in cuntooyinka hudheellada ay aalaaba ku badan yihiin maaddooyinka kiimikaad ee caafimaadka wax yeelleeya, waxa aanay si gaar ah u magacowday iskudhisyada kiimikaad ee Phthalates oo keena khataro caafimaad oo la xidhiidha dhinaca bacariminta ama awoodda dhalmada isla markaana sababi kara xanuunnada xiiqda iyo kansarka noociisa naaska ku dhaca.

Koox cilmibaadhayaal Ingiriisa ah ayaa baadhis ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka uurka leh, ubadka yaryar iyo carruurta da’da korniinka ku jiraa ay yihiin kuwa ugu nugul khatarta caafimaad ee ka timaadda iskudhisyada kiimikaad ee cuntada hudheellada ku badan, sababtuna waa kiimikada sunta ah oo markaba abbaaraysa shaqada hormoonnada.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in maaddooyinka Phthalates ay si gaar ah ugu badan tahay cuntooyinka ay ka mid yihiin beergarrada iyo saanwiijyada, oo laakiin ah marka hudheellada iyo maqaaxiyaha cuntada laga iibsado. Taas oo macnaheedu yahay in cuntooyinkan marka guryaha lagu diyaarsado aanay lahayn maaddooyinka kiimikaad ama ugu yaraan ay aad ugu yar yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here