Xukumadda Eretria Oo xabsiga ka sii deysay 35 maxabuus diimeed 

0
914

Xukumadda Eretria Oo xabsiga ka sii deysay 35 maxabuus diimeed

Xukumadda Eretria ayaa xabsiga ka sii deysay 35 maxabuus diimeed oo ku xirnaa xabdiga Maaysirwaa.

35 qof ee u xidhnaa arrimaha diinta ee la sii daayey 14 ka mid ah waa dumar aamisan diinta masiixiga. 30 galabnimadi ayaa la sii daayey isla habeenkina 5 kale oo macabiista ka mid ah ayaa la sii daayey.

Daaniel oo walaalkii ka yar xabsiga laga soo daayey ayaaBBC-da wuxuu u sheegay arrin diineed inuu walaalkii uu u xirnaa hal sana iyo 8 bilood iyada oo xabsiya kala duwan lagu soo xiray, mudda badanna ay la’aayeen halka uu ku xirnaa balse soo deyntiisu uu aad ugu faraxsan yahay.

35-ka qof ee la sii daayey mid ka mid wuxuu xabsiga Maaysirwa uu ku jiray 8 sano kuwa kalana ay xabsi ku soo jireen 1 sano ilaa iyo 4 bilood.

Hase ahaatee sii deynta macabiista waxaa la sheegay iney wax xiriir aha la lahayn heshiiska auy dhawaan gaareen Itoobiya iyo Eretria.

Xukumadda Eretria waxay albaabbada isugu dhufatay kaniisadaha masiixiyiinta (protestant) ay ku lahaayeen dhammaan dalka eretria.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay xukumadda Eretrea ku eedeeyaan iney kumannaan qof oo u xiran siyaasadda iyo arrimaha diinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here