Madaxwaynaha Dawlada Somaliya Md Farmaajo Oo Amar Ku Bixiyay In 48 Saacadood Gudaheeda Lagu Furo Dhamaan Wadooyinka Xidhan Ee Magaalada Muqdisho

0
714

Madaxwaynaha Dawlada Somaliya Md Farmaajo Oo Amar Ku Bixiyay In 48 Saacadood Gudaheeda Lagu Furo Dhamaan Wadooyinka Xidhan Ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalau kulan xalay degdeg ah isugu ueerau Guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee ku aadan waddooyinka xiran ee magaalada, kaasoo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa waxaa uu Guddiga boggaadiyay sida Ciidamada Amniga uga jawaabeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay  shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan, sida lagu yiri war saxaafadeed Guddiga soo saaray.

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa  go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida  Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka,   iyo maamulka gobolka Benaadir in ay  dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee  ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka Guddiga Amniga Qaranka uu xalay yeeshay ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka ay ka maqan yihiin xubnaha Guddigaas sida Ra’iisul Wasaaraha oo safar saacado qaatay shalay ku tagay dalka Zambia, isla markaana u gudbay Kenya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sugan Sweden iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada oo safar shaqo ku maqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here