Maxkamad Ku Taalla Turkiga Oo Diiday Sii Deynta Nin Mareykan Ah Oo Ku Xidhan Dalkaasi Turkiga Iyo Danbiga Uu Galay Ninkaasi Ee Loo Haysto

0
743

Maxkamad Ku Taalla Turkiga Oo Diiday Sii Deynta Nin Mareykan Ah Oo Ku Xidhan Dalkaasi Turkiga Iyo Danbiga Uu Galay Ninkaasi Ee Loo Haysto

Ankara (Dalmar-News):- Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa amartay in

xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo.

Ninkan oo ah wadaad ka tirsan kaniisadaha Mareykanka ayaa xakunkiisani kusoo beegmayaa xilli ay dowladda Mareykanka dadaal ugu jirto in lasoo daayo wadaadkani.

Xidhiidhka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO.

Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan.

Waa marki saddexaad oo ay maxkamaddani diideyso codsi ah in xorriyadiisa uu dib u helo wadaadkani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here