Goorma Ayaa Khatarta Dhiciska Uu Ku Badan Yahay Dumarka Uurka Leh?

0
1431

Goorma Ayaa Khatarta Dhiciska Uu Ku Badan Yahay Dumarka Uurka Leh?

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dumarka uu ku yaryahay vitamin D ay ku dhibaatoodaan dhalmada isla markaana ay u badan tahay iney dhalaan ilmo dhicis ah.

Sida ay qortay jariidada “The Independent”,cilmi-baarayaal ayaa waxey baareen Nafaqooyinka muhiimka ah ee dhiigga uurka ka hore iyo 8 isbuuc ka dib bilowgiisa, 1200 oo dumar ah oo horey ilmo u soo dhiciyay isla markaana doonaya iney mar kale uur yeeshaan.

Cilmi-baarayaashu waxey heleen in dumarkii vitamin D uu waafaqsaan heerkii looga baahnaa uurka ka hor ay noqdeen 15% kuwo si wanaagsan u dhalay, waxaa hoos u dhacday khatar iney dhiciyaan oo uurku ka fashilmo, markasta oo vitamin uu kor u koco furasaddooda ayaa sii kordheysay.

Natiijada daraasaddan oo lagu faafiyay jariidada “Lancet”, Dr Sunni Mumford oo ka tirsan mac’hadka waddaniga ah ee “Eunice Kennedy Shriver” ee caafimaadka caruurta iyo horumarinta aadanaha ee Rockville, Maryland, ayaa yiri: “Natiijooyinka aan gaarney waxey sheegayaan in vitamin D uu kaalin difaac u noqon karo uurka.”

Faytamiin D waxa uu lagama maarmaan u yahay jirka, si kalsiyumka iyo macdanaha kale ee cuntada iyo cabitaanka ku jira looga soo nuugo. Waxeyna yaraantiisu hoseedi kartaa lafaha oo jilca iyo cillado kale, gaar ahaan caruurta sida degdegga ah u koreysa oo ay dhici karto inuu u horseedo iney yeeshaan qallaafo.

90% faytamiinkan waxaan laga helaan qorraxda, wadamada ceeryaamadu ku badan tahay waxaa waajib ah in dadka joogaa ay qaataan raashin dheellitiran, gaar ahaan dadka haraggoodu madow yahay oo si aad ah ugu baahan qorraxda. Waxaana vitamin ka laga helaa cunno farabadan.

Halkan guji si aad u sii hesho qormo hore oo aan ka sameeyay vitamin D.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here