Eritrea oo la sheegay in Ciidankeeda kala baxday xadka ay la wadaagto Itoobiya

0
1062

Eritrea oo la sheegay in Ciidankeeda kala baxday xadka ay la wadaagto Itoobiya

Dowlada Eritrea ayaa lagu soo waramayaa in ciidankeeda milatariga ay kala baxday xadka ay la wadaagto dalka Itoobiya, waxaana tilaabadan lagu tilmaamay in ay qeyb ka tahay isku soo dhawaanshaha labada dal.

Warbaahinta taageerta dowlada Eritrea ayaa baahisay in ciidamada Milatariga ee ku sugnaa xadka in ay dib u gurteen, mana jiro ilo ka madax banaan Warbaahinta dowlada Eritrea taageerta oo warkan xaqiiqdiisa laga soo xigtay.

Talaabadan ay qaaday dowlada Erirrea hadii  xaqiiqo noqdo ayaa noqonesa hormar wayn oo laga sameeyay hannaanka nabadda ee labadaas dal u saamaxay in ay soo afjaraan colaaddii dhex taalay labaatanka sano.

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya waxaa sanadkii 1998-dii ilaa 2000- dhax maray dagaal xoog badan ay ku dhinteen 80,000 kun oo qof , waxaana tan iyo xiligaasi labada ciidan ay isku hor fadhiyeen xuduuda labada dal wadaagaan.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa furay baal cusub oo taariikhda ka galaya labada wadan ee Eritrea iyo Itoobiya, waxa ayna madaxda labada wadan booqasho ku kala tageen labada caasimad iyagoona heshiisyo badan oo wax gal ah kala saxiixday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here