Baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyay sharci muran dhaliyay oo la dhoho”xeerka Dawladda Yuhuudda”

0
554

Baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyay sharci muran dhaliyay oo la dhoho”xeerka Dawladda Yuhuudda”

Baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyay sharci muran dhaliyay oo la dhoho”xeerka Dawladda Yuhuudda” sharcigaas ayaa dhigaya in Israa’iil ay tahay dal Yuhuudda oo kali ah ay leeyihiin.

Sharcigaasi waxaa kale oo uu dhigayaa in dhammaan magaalada Qudus ay tahay caasimaddooda.

Carabta xildhibaannada ka ah Israa’iil ayaa arrintan dhaliilay, laakiin ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu ayaa ammaan kala dul dhacay.

Sharcigaas ayaa la meelmariyay ka dib kala fadhi siddeed saac qaatay, 62 xildhibaan ayaa ogolaaday waxaana ka soo horjeedsaday 55 kale.

Sharciga cusub ayaa waxa uu hoos u dhigayaa darajadii afka Carabiga oo markii hore ka mid ahaa afafka rasmiga ah, waxana kale oo uu deegaamaysiga sharci darada ah ee dhulka Falastiin ka dhigayaa danaha qaranka ee Israa’iil.

Sidaas oo ay tahay ayaa waxaa sharciga cusub laga saaray qodobo ay ka mid ahaan mid sheegaya in xaafadaha iyo magaalooyinka ay degenaan karaan dadka Yuhuudda ah oo kaliya.

Carabta Israa’iil ku nool ayaa gaaraya boqolkii 20% dadka dalkaas, waxayna dhanyihiin 9 milyan oo qof.

Sharci ahaan waxa ay la xuquuq yihiin dadka yuhuudda ah, balse muddo dheer waxa ay ka cabanayeen takoor iyo midab kala sooc.

Axmed Tibi oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Knesset ayaa xeerka cusub ku tilmaamay “Geeridii dimoqoraadiyadda”.

Ururka Caddaala oo u dooda xuquuqda dadka Carabta ah ee Israa’iil ayaa sheegay in sharciga cusub uu ka dhiganyahay in la kala saraysiinayo qowmiyadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here