Shirka Brussels oo maanta la soo gabagabeynayo iyo wajigii labaad oo la galayo

0
797

Shirka Brussels oo maanta la soo gabagabeynayo iyo wajigii labaad oo la galayo

Shirka Brussels ayaa maalintii labaad galay, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo dhinacyo badan oo quseeya mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socda.

Wajiga labaad ee shirka ayaa maanta noqonaya qeybta madaxda caalamka, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku soo biiri doono.

Shirka wajigiisa labaad ayaa waxaa si wadajir u shir guddoominaya Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden iyo Madaxa Arrimaha Dibadda iyo siyaasadda Midowga Yurub Federica Mogherini.

Qeybtii koowaad ee shirka ayaa waxaa shalay shir guddoomiyay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden.

Khudbadihii shalay looga hadlay shirka ayaa waxaa si aad ah diiradda loogu saari arrimaha ammaanka, siyaasada, doorashooyinka sanadka 2020, arrimaha dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo qaabkii ay ugala wareegi lahaayene ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here