Shirkii Arrimaha Soomaaliya oo goor dhow ka furmay Brussels

0
655

Shirkii Arrimaha Soomaaliya oo goor dhow ka furmay Brussels

Waxaa goor dhow magaalada Brussels ee dalka Belgium ka furmay shirka Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Madax Soomaali ah iyo Beesha Caalamka, kaasoo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo maalin, waxaana si wadajir u shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxa Arrimaha Dibadda Midowga Yurub iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden.

Ajandaha looga hadlayo shirka inta uu socdo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo ka hadlaya horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa daba socda shirarkii horay uga dhacay London iyo Muqdisho oo looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya iyo waxyaabaha horyaala dowladda Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa balan-qaadyada shirarkii hore

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here