DAAWO: Xulka Kubada Cagta Ee Dalka Faransiiska Oo Ku Guulaystay Koobka Aduunka Iyo Ciyaad Adag Oo Ay Kala Kulmeen Xulka Dalka Croatia

0
605

DAAWO: Xulka Kubada Cagta Ee Dalka Faransiiska Oo Ku Guulaystay Koobka Aduunka Iyo Ciyaad Adag Oo Ay Kala Kulmeen Xulka Dalka Croatia

Xulka Faransiiska ayaa ku guuleystay markii labaad koobka adduunka kadib markii uu ugaga badiyay xulka Croatia 4-2 ciyaartii kama dambaysta ahayd ee goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Sanadkii 1998dii ayay xulka Faransiiska markii ugu horeysay ku guuleystay koobka adduunka iyadoo tababaraha xulka Faransiiska ee xilligan Didier Deschamps  uu ahaa kabtankii labaatan sano kahor hogaaminayay xulka Faransiiska.

Xulka Croatia ayaa kaalinta labaad galay markii ugu horeysay iyadoo  kaalinta 3aad xulka Belgiumka uu galay.

Xulka Faransiiska ayaa  waxaa saddex ka mid ah goolasha ay dhaliyeen u kala dhaliyay Antoine Griezmann,Paul Pogba iyo Kylian Mbappe halka goolka afaraadna uu ka dhaliyay kooxdiisa Mario Mandzukic.

Labada gool ee xulka Croatia ay dhaliyeen ayaa waxaa u kala dhaliyay Mandzukic and Ivan Perisic.

Ciyaarta marka ay dhamaatay oo la gaaray xilligii la gudoonsiinayay abaalmarinada ayaa roob xoog leh uu ka bilowday garoonka, waxaana munaasabada fantasiyaha ku sugnaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Munaasabada lagu soo gabagabeynayay koobka adduunka ayaa sidoo kale la gudoonsiiyay ciyaaryahanadii ugu  wanaagsanaa tartanka abaalmarino kala duwan.

Goolhayaha xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa ku guulaystay gacna gashiga dahabka ah, isagoo loo aqoonsaday goolhayihii koobka aduunka ugu fiicnaa.

Gool dhaliyaha xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ku guulaystay abaal marinta kabta dahabka ah ee gool dhalinta koobka aduunka kadib markii uu Russia 2018 ka dhaliyay 6 gool.

Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa loo doortay xiddigii tartanka koobka aduunka ugu fiicnaa wuxuuna hantay abaal lmarinta kubbada dahabka ah oo uu si buuxda ugu qalmay isaga oo door wayn ku lahaa in xulkiisa Croatia uu soo gaaro markii ugu horeysay finalka koobka aduunka.

Kylian Mbappe ayaa ku guulaystay abaal marinta da’yarkii tartanka koobka aduunka ugu fiicnaa kadib markii uu taariikho badan oo abid la xusuusan doono uu ka sameeyay Russia 2018 wuxuuna da’yarka reer France noqday mid lagu xuusan doono koobka aduunka.

Xulka qaranka Spain ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta xulkii ugu ciyaarta fiicnaa koobka aduunka Rusia 2018 ee FIFA Fair Play Trophy inkasta oo ayna soo gaarin heerkii laga filayay in ay koobka aduunka ka gaari kareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here