Sidee Lagu Gartaa Qofka Doqonka ah? … 5 Xeer ee Doqonnimada u Gaarka Ah!

0
1464

Sidee Lagu Gartaa Qofka Doqonka ah? … 5 Xeer ee Doqonnimada u Gaarka Ah!

Waxaa dhici karta noloshaada inaad la kulanto dad doqomo ah, laakiin su’aasha muhiimka ah ayaa waxey tahay, dadkaas sideen ku ogaan karnaa iney doqomo yihiin iyo in kale?

Qraaga la yiraahdo Carlo M. Cipolla, ayaa kaga hadlay buuggiisa “The basic laws of human stupidity”, xeerarak aasaasiga ah ee lagu garto doqomada, waxa uu qoraagu tilmaamay in dadka doqomada ay u sameysan yihiin iney dadka kale baabi’iyaan, laakiin mas’aladu sidaa uma sahlana.

Qoraagu waxa uu isku dayay inuu xeerar u sameeyo doqonnimada, waxa uu buug ka sameeyay sanadkii 1976-dii.

Qoraaga ayaa aamisanaa sida dunida ay ugu socoto qawaaniin fasireysa dhaqaaqeeda, aadanahana uu ay ugu socdaa xeerar gaar oo uu ku tilmaamay “Xeerarka aasaasiga ah ee doqonnimada qof lagu garto”.

5 Xeer ee Doqonka Lagu Garto

Xeerka Koowaad: Inta badan dadka oo dhan ayuu yareystaa oo uu dadaalkooda xaqiraa.

-Xeerka Labaad: “Doqonnimada qofka way ka madax bannaan tahay astaamaha kale ee shakhsi ahaan uu qofku leeyahay.

-Xeerka Saddexaad: “Shakhsiga doqonka ah waxa uu khasaare u geystaa naftiisa iyo dadka kale.”

-Xeerka Afaraad: “Inta badan dadka ka caqliga badan wuu xaqiraa.”, waana awoodda wax baab’inta ee gacanta doqomada ku jirta.

-Xeerka Shanaad: “Qofka doqonka ah waa kan ugu khatarta badan”.

Qoraagu waxa uu tilmaamayaa astaanta aasaasiga ah ee doqonka lagu gartaa waa awoodda uu u leeyahay inuu khasaare lugta u galiyo naftiisa iyo dadka kale, qofka doqonka ah waa qof aan meel dheer ka fakarin shayga ciribtiisa dambe iyo wax ka dhalanayana aan ka fakarin, shay kasta oo wanaagsanna sabab fudud oo aan muhiim ahayn ayuu ku dayacaa.

Cipolla waxa uu qabaa, sida uu qaanuunka shanaad ku sheegay, in doqonnimadu ay tahay shayga ugu khatarta badan, waxey ka daran tahay, ayuu yiri,  tuugada waddooyinka ee burcadda ah iyo kuwa habeenkii dadka u dhaca. Doqomadu bulshada oo dhan ayey halaag u horseedaan.

 

Maandeeq FM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here