Qeybtii u horeysay Wafuuda Soomaalida ee ka qeyb galaya Shirka Brussels oo maanta u ambabaxaya Belgium

0
549

Qeybtii u horeysay Wafuuda Soomaalida ee ka qeyb galaya Shirka Brussels oo maanta u ambabaxaya Belgium

Waxaa maanta la filayaa inay magaalada Brussels ee dalka Belgium u ambabaxaan qeybtii u horeysay ee wafuuda Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee 16-ka bishan ka furmaya magaalada Brussels.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxaya magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa magaalada Nairobi ka ambabaxay wafdi ay hoggaaminayaan Madaxda maamul goboleedyada qaar oo maalmo ka hor tagay nairobi.

Wafuuda ka qeyb galeysa shirka ayaa dhowr qeybood isugu jira, iyadoo maamul walba uu si gaar ah u casuuman yahay, sida Maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir, Xukuumadda, Madaxtooyada, Baarlamaanka, ururada bulshada rayidka.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya wafuud ka socota Beesha Caalamka iyo xubno ka socota Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona labo maalmood ayaa looga hadli doonaa mustaqbalka Soomaaliya, taageerada Beesha Caalamka iyo qorshayaasha soo socda ee la qabanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here