Qarax Xoogan Oo Gaystay Khasaare Baaxadleh Gaystay Oo Ka Dhacay Goob Fagaare Ah Oo Ku Taala Dalka Pakistaan + Tirada Dadku Ku Dhintay Kuna Dhaawacmay

0
578

Qarax Xoogan Oo Gaystay Khasaare Baaxadleh Gaystay Oo Ka Dhacay Goob Fagaare Ah Oo Ku Taala Dalka Pakistaan + Tirada Dadku Ku Dhintay Kuna Dhaawacmay

Qarax miidaamo ah oo lala beegsaday fagaare loogu soo baxay olole doorasho oo ku yaal Pakistan ayaa waxa lagu dilay ugu yaraan boqol iyo labaatan qof. In ka badan boqol kalena way ku dhaawacmeen, waxaanu qaraxaasi ka dhacay gobolka koonfur galbeed ku yaal ee Balochistan.

Weerarkan oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Pakistan muddo sannad iyo dheeraad ah, ayaa waxa lala beegsaday fagaare uu ka ololaynayey siyaasi gobolkaas ka soo jeeda oo qudhiisuna ku dhintay.

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay in ay iyadu qaraxaa ka dambaysay.

Mar sii horaysayna afar qof ayaa ku dhintay qarax kale oo ka dhacay magaalada woqooyiga ku taal ee Bannu halkaas oo iyadna uu ka socday olole uu waday siyaasi kale.

Laba maalmood ka hor ayaa iyadna kooxda Taliban ee Pakistan waxa qiratay in ay iyadu masuul ka ahayd qarax miidaame ah oo ka dhacay fagaare olole doorasho ka socday oo ku yaal magaalada Peshawar oo ay ku dhinteen labaatan qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here