Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo La Kulmi Doono Dhiggiisa Dalka Ruushka Vladimir Putin

0
606

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo La Kulmi Doono Dhiggiisa Dalka Ruushka Vladimir Putin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniinta kulan ku yeelanaya caasimadda Finland ee Helsinki inkastoo ay jiraan eedeymaha ka dhanka ah xukuumadda Moscow oo ah inay faragelin ku samaysay doorashadii Mareykanka.

Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in kulanka uu qabsamaya islamarkaasna aysan waxyeelo u gaysan doonin dacwadda loo haysta saraakiil Ruush ah oo lagu eedeeyay inay farogelin ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee sannadkii 2016-kii.

Afahayeenka aqalka cad ee Mareykanka Sarah Sanders waxay warbaahinta u sheegtay in kulanka labada madaxweyne uu sidii loo qorsheeyay u dhici doono.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka waxay sheegtay in eedeymaha lagu doonaya in lagu waxyeello kulanka Trump iyo Putin.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inaysan caddayn u haynin in muwadinii Ruush ah ama sarkaal miltariga ka tirsan uu ku lug lahaa wax farogelin ah.

Waxaa jiray baaqyo ah in kulanka la baajiyo kaddib Mareykanka uu dacwad kusoo oogay 12 kamid saraakiisha sirddoonka dalkaasi oo la sheegay inay ku lug lahaayeen farogelin.

Ruushku wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugaya qabsoomidda kulanka labada hoggaamiye.

Yuri Ushakov oo ah la taliyaha aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uusan wanaagsanayn balse hadda ay bilaabayaan dadaallo lagu wanaajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here