Faah Faahin: Qasaaraha Qaraxyadii mataanaha ahaa iyo weerarkii tooska ahaa

0
606

Faah Faahin: Qasaaraha Qaraxyadii mataanaha ahaa iyo weerarkii tooska ahaa

Ugu yaraan lix ruux oo ay ku jiraan Dableydii weerartay agagaarka Madaxtooyada ayaa ku geeriyootay labo weerar is qarxin ahaa iyo dagaal toos ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo dareyska ciidamada dowladda xirnaa ay weerareen koontaroolka u dhow Isgoyska Ceel Gaabta ee dhabarka dambe ee Hotel SYL.

Weerarka ayaa markii hore ku bilowday is rasaaseyn, waxaana xigay qarax weyn, waxaana is rasaaseynta ay socotay muddo daqiiqado ah.

Qarax labaad ayaa ka dhacay agagaarka Taaladdii SYL, waxaana uu ahaa mid aad u gil gilay magaalada oo dhan.

Muuqaalo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay qaraxa oo ahaa mid uuradiisa iyo holiciisa si toos loo arkayay, xilliga uu dhacayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerareen nawaaxiga xarunta Madaxtooyada oo ah goobo ammaankooda uu aad u adag yahay, kuna yaallaan koontaroolo laga sugo amniga oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Milateriga ee loo yaqaano Koofiyo gaduud.

Weeraradan ayaa ku soo aaday, wax yar kaddib markii wadada ka soo baxday Madaxtooyada illaa Garoonka Muqdisho ay u xirneyd Kolonyada galbineysay wafdiga Madaxweynaha oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here