DEG DEG : Qarax xooggan oo goor dhow gilgilay magaalada Muqdisho+Warakii Ugu Dambeeyey

0
681

DEG DEG : Qarax xooggan oo goor dhow gilgilay magaalada Muqdisho+Warakii Ugu Dambeeyey

Labo qarax oo is xigay ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo mid ka mid ah jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan, iyadoo la arkayay uuro cirka isku shareeray.

Qaraxa koowaad oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay agagaarka Beerta Nabadda oo ku dhow Hotel SYL, halkaasoo uu yaalo koontarool ay leeyihiin Ciidanka Madaxtooyada.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa mar kaliya is qabsatay rasaas culus oo dhex martay Ciidamada Milateriga ee Ilaalada Madaxtooyada iyo rag hubeysan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ay raggii hubeysnaa u suura geli weyday inay soo dhaafaan Barta koontaroolka, isla markaana la wada toogtay.

Qarax labaad ayaa markii dambe ka dhacay meel ku dhow MCH-ka Isgoyska Ceel Gaabta, kaasoo ahaa gaari goobta yaallay.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhacay qaraxyada iyo is rasaaseynta.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana gawaarida gurmadka degdega ay daad-gureynayaan dhaawacyada ka dhashay qaraxyada.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, iyadoo tan iyo saaka waddooyinka qaar ee magaalada ay aheyd kuwo xiran, isla markaana uu Madaxweynaha uu safar u ahaa dalka Belgium.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here