Saacad u badalaysa Gacantaada Shaashad Taabashada ku Shaqaysa

0
571

Cilmi baadheyaal ka tirsan Jaamacada Carnegie Mellon ee Dalka Maraykanka ayaa soo bandhigey Saacad ka dhigeysa gacanta qofka xidhan Shaashad taabashada ku shaqaysa.Saacadan oo lagu Magacaabo “LumiWatch” waxa ay ku Program-san tahay aalada muuq baahiyaha gidaarka ee loo yaqaano Projector ka, waxaanu balladhka muuq baahiyeheedu le’eg yahay 40Cm oo laba jibbaaran, waxaanayafar jeer ka wayn tahay shaashada Saacadaha caadiga ah.Video ayey kusoo bandhigeen hal abuureyaashii saacadan oo soo kicinaysaApplications, Sawirada, Laguna xidhiidhin karayo qalabka kale sida Computers ka, waxaanad ka akhrin karaysaa dhamaan qoraallada baraha ay bulshadu ku xidhiidho.Jariidada DailyMail ee Ingriiska kasoo baxda ayaa sheegtay in saacadani ay ku shaqaynaysa Nidaamka Android ka, isla markaana lagu xidhi karayo adeega Internet ka ee xadhig la’aanta ah (WiFi)iyo Bluetooth kaba, waxaanay ku timaadaa Qualcomm 1.2Ghz iyo Radom Access Memory 768Mb ah iyo Memory gaadhaya 4GB iyo Battery Maalin dhan sijoogto ah loo isticmaali karayo.Saacadan ayaa marka ay soo gasho suuq-yada waxaa la filayaa qiimeheedu in uu gaadhi karayo $600 (Lix boqol oo Dollar)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here