“Awdal Baa Ka Cashuur Badan Togdheer,” Wasiirka Maaliyada

0
592

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane Yuusuf Maxamed Cabdiayaa waxa uu hambalyo iyo boogaadin u diray dhammaan hawl-wadeennada waaxda Cashuuraha Berriga ee gobolka Awdal oo ka kooban shaqaale iyo ciidanka ilaalada cashuurta. Si gaar ah waxa uu wasiirku hambalyo gaar ah ugu diray Maamuulaha Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Awdal Mudane Maxamed Ducaale Xasan.Wasiirku waxa uu sheegay in iyada oo ay jiraan duruufo adag oo kala duwan, hadana, wuxu maamuulaha gobolku ku guulaystay soo saarista dakhligii ugu badnaa abid ee ka soo baxa degmada Boorama ee Gobolka Awdal.Tani waxay ka dhigaysaa in ay Gobolka Awdal ku jirto kaalinta labaad ee soo saarista dakhliga iyada oo ay ka horreyso oo kaliya Gobolka Maroodi Jeex; halka ay markii hore kaalinta labaad ku jirtay gobolka Togdheer.Wasiirku isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxan halkan hambalyo iyoboogaadin uga dirayaa Maamulaha iyo maamule ku xigeenka xafiiska Cashuuraha Berriga ee gobolka Awdal iyaga oo soo saaray dakhligii ugu badnaa ee ka soo baxa gobolka Awdal. Markii hore waxa kaalinta labaad ee dakhli soo saarkaWaaxda Cashuuraha Berriga ku jiray gobolka Togdheer. Balse imika waxa kaalinta labaad soo gashay gobolka Awdal oo waxa ka horreysa oo kaliya gobolka Maroodi-jeex”Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxauu yidhi “Iyada oo ay jiraan duruufo adag oo ku xeeran guud ahaan xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Awdal, hadana, taasi kamay joojin in ay u shaqeeyaan qaranka oo ay u soo saaraan dakhli joogto ah. Waxan xog-ogaal u ahayhawl-karnimada, dedaalka iyo shaqada joogtada ah ee ay ku hawlanaayen hawl-wadeennada xafiiskaas. Waxay si hufan uga soo baxeen waajibaadka ka saaran qarankooda. Xafiiskani waxa uu mutaysay in uu tusaale u noqdo dhammaangobollada kale isla markaa na ay maamulayaasha gobollada ee Waaxda Cashuuraha Berrigu ay la mid noqdaan maamulaha gobolka Awdal Mudane Maxamed Ducaale Xasan iyaga oo kaga dayanaya hawlkarnimada, dedaalka iyo hufnaanta shaqo ee uu muujiyay.Ugu danbeyn, waxa uu wasiirku sheegay in uu u abaal-gudi doono maamulaha iyo maamule ku xigeenka xafiiska Cashuuraha Berriga ee gobolka Awdal, waxaana uu yidhi “maadaama oo ay siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ay tahay abaal-marinta shaqaalaha ka soo baxa shaqadiisa loo igmaday, waxan halkan ka ballan-qaadayaa in aan guddoonsiin doono abaal-marin
.
”Allaa Mahad Leh
Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here