Shariif Xasan “AMISOM waa ku fashilmeen inay isku furaan waddooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab

0
573

Shariif Xasan “AMISOM waa ku fashilmeen inay isku furaan waddooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM inay ku fashilmeen inay isku furaan waddooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab ee deegaanada Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay sheegay dhibaatooyin badan ay ka jiraan waddooyinka deegaanada, sida wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyo wadada isku xirta Baraawe iyo Afgooye.

“AMISOM waa ku fashilmeen inay isku furaan waddooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab, waana joojiyaan inay isticmaalaan wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho”ayuu yiri Shariif Xasan oo ka hadlayay kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed oo shalay ka furmay Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badna loo furo waddooyinka xiran iyo kuwa Al-Shabaab ay go’doomiyeen.

Wadada isku xirta Muqdisho illaa Baydhabo ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin kala duwan, sida Ciidamo ku labisan dharka ciidanka oo bishii la soo dhaafay u geysteen kufsi iyo dhac dadka ku safrayay wadadaas.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa horay u balan-qaaday in la isku furayo wadadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isla markaana wax laga qaban doono dhibaatooyinka ka jira wadadaas, balse illaa iyo hadda waxba lagama qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here