Xoghayahii Arrimaha Dibadda Ingiriiska Boris Johnson oo is casilay

0
637

Xoghayahii Arrimaha Dibadda Ingiriiska Boris Johnson oo is casilay

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka UK Boris Johnson  ayaa iscasilay iyadoo arrintana ay dhabar jab ku noqonaysa dowlada ay madaxda ka tahay Theresa May iyadoo uu soo if baxay khilaaf ku saabsan ka bixitaanka Briatin ay ka  malain kahorna uu is  casilay baxaysa Midowga Yurub.

Is casilaada Johnson ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii uu is casilay David Davis wasiirkii u qaabilsanaa dowlada Ingiriiska ka bixitaanka Midowga Yurub.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa xaqiijiyay is casilaada Boris Johnson

“Galabta ayay ra’iisul Wasaaraha aqbashay is casilaada Boris Johnson ee xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda,bedelkiisana waxaa lagu dhowaaqi doonaa goordhow waana ugaga mahadcelineynaa howlihii uu soo qabtay,”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay afhayeenka ra’iisul Wasaaraha Britain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here