Sacuudiga Oo Shirinaya Cullimada Islaamka

0
609

Sacuudiga Oo Shirinaya Cullimada Islaamka

(DLN-Riyadh)-Saudi Arabia ayaa toddobaadkan marti-gelineysa shir ay ka qeyb galayaan aqoonyahanada muslimiinta oo xasilooni iyo nabad loogu raadinayo dlaka Afghanistan.

Wafti ka socda 57-ka dal ee Islaamka ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan shirkan oo maalmaha talaadada iyo arbacada ka dhacaya magaalooyinka Jeedah iyo Makkah, sida ay Guddiga Sare ee Nabadda Afghanistan u sheegeen VOA.

110 aqoonyahan oo muslimiin ah ayaa ka doodi doona dagaalka Afghanistan iyo hanaanka nabadda dalkaas.

Guddiga Sare ee Nabadda Afghanistan ayaa sidoo kale sheegay inay rajeynayaan in kooxda Taliban ay wakiilo u dirsato, si ay uga qeyb-galaan shirka.

Kooxda Taliban ayaan weli wax ah kasoo saarin shirkan, hase yeeshee waxay horey ugu gacan seereen fatwooyin kasoo baxday shirar la mid ahaa oo horey loogu qabta dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Indonesia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here