RASMI : Dhaawacyadii qaraxii shalay ee Otto Otto oo loo qaadayo dalka dibaddiisa

0
723

RASMI : Dhaawacyadii qaraxii shalay ee Otto Otto oo loo qaadayo dalka dibaddiisa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa balan qaaday inay daryeel caafimaad u fidinayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay xarunta Otto Otto ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu ka shaqeynayo sidii daryeel caafimaad loo siin lahaa dhammaan dadka ku dhawaacmay qaraxyadan, gaar ahaan dadka xaaladdoodu culust ahay ee aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

“Dadkan dhammaantood waxa ay ku howllanaayeen nolal maalmoodkooda, balse cadowga ummadda Soomaaliyeed ayaa si gaadma ah u soo maleegay dhibaataynta, Maamulka Gobolka Benaadir waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii daryeelka caafimaad ee ugu habboon ay u heli lahaayeen.”

Kusimaha Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkan uu ka tarjumayo sida argagixisadu ay u bar-tilmaam sanayso qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Benaadir oo dhibaato badan ay u geeysteen argagixisada Al-shabaab.

“Bulshada Gobolka Banaadir waxaan kula dardaar maynaa in ay xoojiyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga hortago falalka argagixisada ay ku wiiqayaan nolasha shacabka iyo horumarka Gobolka.”

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay qaraxan iyo halyeeyadii ka tirsanaa Ciidammada Qalabka Sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee naftooda u horay badbaadinta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here